Gudaha,dibadda,cayaaraha,bulashada iyo waraysiyo » daqarada iyo dib udhaca afka hooyo iyo doorka dadkeena..!!

Gothenburg:- Waxaan shaki kujirin in qoom kasta oo meel degani ay uun laba midood yihiin; inay yihiin dad jira oo leh sooyaal la aqoonsan yahay iyo inay yihiin qolooyin ku bireeysan xadaarado iyo dhaqamo dad kale laga soo dhiraan dhiriyay ogoowna yaanay ciyaar kula noqonine farqiga dadkaasi u dhexeeyaa waa afka ay ku hadlaan oo ay ama iyagu leeyihiin ama ay soo amaahdeen.

Marka aan amaah leeyahay ulama jeedo erayo iyo magacyo luuqad kale laga soo ergaystey (Luuqadda Mandarin-ka ee inta badan lagaga hadlo dalka China ayaa lagu tilmaamaa tan ugu ribban caalamka oo idil, iyana way kujiraan erayo amaah ah haba yaraadeene). ee waxaan ula jeedaa luuqad dhan oo amaah ah sida aad maantaba ku aragtaan dalal 200 oo sanadood kahor luuqad maxalli ah laxaa balse maanta ka banaan fadhiya oo ku hadla luuqadihii gumeystaha.

Afkeena hooyo ee qaniga ah:

Afsoomaaligu wuxuu ka mid yahay luuqadaha ugu faca wayn uguna balaaran marka la barbar dhigo luuqadaha kale laakiin dhibaato waxay ka istaagtey dadkeennii oo iyagu gacantooda ku gowracaya afkii quruxda iyo qaayaha badnaa.

Sida aan soo sheegay luuqad kastaahi inta badan wax uun baa ku barxan, luuqadeena oo ay dadka luuqadaha u abtiriyaa ku daraan bahda loo yaqaano ’’Afro-Asiatic’’ sida magacaba ka muuqata waxaa kujira erayo qalaad oo inta badan kasoo jeeda dalalka Carabta, Hindiya iyo xitaa Iraan, sidoo kale kama marna kuwo laga dhaxlay gumeysiga, balse waxa aynu maanta haysanaana waa Soomaali tadawur badan soo maray oo xitaa lumiyay kala bar ku dhowaad haybtiisii rasmiga ahayd laakiin ka badbaadey dabar go’ii ku dhacay luuqado badan oo aynigii ah.

Doorka saxaafadda Soomaalida iyo daqarrada Af-Soomaaliga;

Shaki kuma jiro in ay warbaahinta dal kastaahi tahay tan doorka ugu wayn ka qaadata waarista iyo horumarka afka hooyo lkn warbaahinta Soomaaliyeed waloow ay jiraan kuwo doorkaa fahamsani inta badan way ku tuntaan ama waxay afkeenna u gaystaan yasitaan iyo aflagaaddo aanay cidina ka xaal marinin, tasoo dhanka kale fariin khaldan u direysa dadka Soomaaliyeed ee ku xiran ilahaasi warfaafineed.

Tusaale ahaan aan qadar yar dul istaagno sheekadan;- qof weriye ah oo fadhiya TV caalamka oo idil laga daawayo, Radiyoow IWM oo sidan u hadlaya; ’’Team hebel wuxuu ku ciyaarayaa T-shirt Blue ah waana away, teamka kale isna wuxuu ku play-garaynayaa T-shirt Green ah waana home, hadii ay kooxdan away-ga ihi lose-gareeyso cayaartan waxay ka haraysaa tournament-ga, waayo latest match waxaa looga badiyay penalty, marka waa inay keenaan result wanaagsan ’’.

Ugu horeeynba markii qaab suugaaneed ahaan loo eego xitaa waxaa Ingiriisi ahaan u khaldan erayo ka mid ah kuwa uu isticmaalay oo ay qaarkood jajab yihiin marka loo eego qof weriye ah sida T-shirt oo aanay wanaagsaneyn in loo adeegsado funaanadda kubadda lagu cayaaro oo caadiyan ah ’’Jersey’’ waxaa uu ku tacadinayaa/tacadinaysaa luuqad dhan oo dhisan oo aan waxaas oo dhan u baahnayn waayo mid kastaahi wuxuu leeyahay bedel Soomaali ah oo sax ah.

Waxaana la oran karaa ”Koox X waxay ku cayaaraysaa funaanad buluug ah waana dool, kooxda kale waxay ku cayaaraysaa funaanad cagaar ah waana koox-guri, hadii hadaba kooxdan doolka ah laga adkaado/laga badiyo/ la garaaco waxay ka haraysaa tartanka, waayo kulankii kol dhoweeyd waxaa lagaga adkaaday gool-kulaad”.

(Fiiro gaar ah: erayada qaarkood waa kuwo aan anigu sidan u micneeyey laakiin waxaan hubaa in xitaa hadii aanay sax ahayn inay ka wanaagsan yihiin Ingiriisi)

Tan kale waxaan maalin kasta maqlaa erayo dhegeheeyga kusoo noqnoqda sida ’’Xeradan oo degan dad qaxooti ah’’ hadii aad naxwe ahaan u eegtana waa khalad, suugaan ahaanna warkeedaba daa, waayo cidina kalama saari karto faacilka iyo mafcuulka (Sameeyaha iyo la sameeyaha) waayo adiguba is waydiiyoo yaa la degan yahay ma xerada mise xeradaa wax degan, ileen falka (Ficilka) degan labadaba wuu ku banaan yahay..? sida saxda ihi waxay ila tahay ’’Xeradan oo ay degan yihiin dad qaxooti ah’’.

Daqarrada kale ee ay warbaahintu u gaysato Afka hooyo ayaa waxaa ka mid ah dadka qaar oo qoraya Soomaali aan ahayn kii saxda ahaa taasoo lagu bahdiley erayo af-guri ah oo aan ku habooneyn adeegsiga saxaafadeed iyo aqoondarro kajirta adeegsiga calaamadaha qoraalka (Punctuations).

Waxaad arkaysaa qoraal iska taxan oo aan u kala saarneyn jumlado, ama aan lahayn joogsi, hakad, bilo, calaamad su’aal, la yaab IWM oo la isku qabtay sidii tareenada lagu walwaalo xamuulka, waxyaabaha aan sheegayaa waa uun tusaale ee waxaan hubaa inay jiraan malaayiin khalad oo kale oo aanan halkan ka sheegin ama aanan sheegeynin.

Maxaa la gudboon hadaba maamulka hay’adaha warbaahineed ee aan ka fikirin erayga ’’tayo’’ loo yaqaano:

Waxaa haboon inay iminka dhagax dhigaan xeerar hoosaad lagu dhaqo ugu yaraan TV-ga ama idaacadda aad madaxda ka tahay intii aad si fudud ku dhumin lahayd dhaxalka qura ee ay Soomaaliyi wada leedahay, weliba marka ay ha’adaadu tahay mid af dheer oo uu dhawaqeedu meel fog gaarayo waa inaad la timaaddaa mas’uuliyad saami gal ah.

Ma lihi waa inay weriyeyaashu soo bartaan falsafadda luuqadaha laakiin waa inaad weriyaha ku qaadataa inuu yahay qof ilaa xad ku wanaagsan af-Soomaaliga fasiixa ah, sidoo kale TV-yada qaarkood waxay leeyihiin qoraal hoose oo ay ka buuxaan erayo qalaad kuwaana waa in lagu bedelaa af-Soomaali khaalis ah, waxaan ka marneeyn website-yada qulateyn-ka ah (ogoow hadii aad wax wanaagsan soo saarto qofka ugu horeeyee ka macaashayaa waa uun adiga), marka aan sidaa leeyahay waxaan ogahay inay yartahay inta ay dadkeenu khaladkooda dhegeystaan ee ay weliba ka garaabaan.

Weriye kastoow ogoow inuu xil kaa saaran yahay horumarinta afka hooyo waxaadna uga qayb qaadan kartaa inaad ila axad isaga ku hadasho marka aad dadkaaga wax u sheegeyso hadii uu xitaa jiro eray cusub oo aan lahayn bedel Soomaali ah isku day inaad wax uun Soomaali ah u macmasho ilaa iyo inta la isaga imaanayo…

Qaybta soo aadan waxaan ku eegi doonaa doorka siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dadka caadiga ihi ay ka gaystaan burburinta af-Soomaaliga…..

Waa Socotaa…………………

Waxaa Qoray; Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto;[email protected]
Gothenburg, Sweden

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *